maxamed cilmi xasan

waaaaaaaaaaaaaaaayahay waya arag maxa wara

waa maxay waxbarsho ama wasiiladee ugu dhaw eed guul ku nawili kartaa?

   alnourschool.tk
 
 
 
 

HORDHAC

Waxa dhab ah oo aynu wada ogsoon nahay jiilka dhallinyarada ah ee maanta ku nool Somaliland in ay xambaarsan yihiin waayo-aragnimo ballaadhan oo ka miisaan weyn maskaxo curdin ah oo korayey. Taas oo malkisay kuna reebtay xanuunno maskaxda, jidhka iyo waxbarasho la’aanba leh. Waxa ay xaaladdani ka soo gaadhay dagaalladii ka dhacay dhalka ee Somaliland lagaga xorreynayey cadawgii Siyaad Barre iyo xukuumaddiisii. Waxa ay ku soo kacaameen barakicii iyo burburkii dhacay. Waxa ay soo arkeen dhimasho iyo dhaawacyo, aanay ahayn in ay arkaan, sababna u garan karayn markaa. Qaybo ka mid ahaa ubadkaa ayaa ku soo koray agoonnimo, rajonimo ama labadaba. Waxa ay tebayaan oo xasuutaan saaxibbo, qaraabo ama ehel ku qudh baxay ama ku dhaawacmay halgankii xoraynta dalka. Waxa kale oo qaybo ka mid ah dhallintaa u dheeraa xaaladahaa burbur kaga dhacay xagga waxbarashadii u socotay ee ay ka barakaceen, dibna ugu suurto geli weydey. Dhallinyaradaa waxna waa in dhalka ka haajirtey oo bado fog isku miidaamisey, waxna waa kuwa rajo shaqo iyo waxbarasho beelay ee dhooban magaaloyinkeenna waaweyn, tuulooyinka iyo miyigaba.



Waa jiilkan iyo jiilasha ka daba kacaya, kuwa maanta inooga baahan tabantaabo iyo ku jihayntooda mustaqbalka, marka aynu Somaliland la rabno isbeddel hagaagsan oo horumar ku keena hab nololeedka bulshadeenna oo dhan. Marka ummadi u qorshaynayso dadkeeda hab horumar iyo isbeddel ku keena dhaqaalaha iyo bulshada, waxa waajib ku ah horreysaba in ay culayska saarto sida ay dadkeeda u gaadhsiin lahayd waxbarasho loo wada siman yahay oo tayo leh, dadkana wada gaadha meel kasta oo ay ku kala dhaqan yahiin.

Waxa hubaal ah oo la xaqiijiyey in taariikhda bini aadanku mar walba tahay tartan joogta ah oo ka dhexeeya AQOONTA (Education) iyo HOOGGA (Catastrophy). Taasi waxa ay faraysaa, cid kasta oo mas’uul ka noqota ummaddeeda, in ay himillada kowaad ka dhigato dhiska AQOONTA dadkeeda. Si tartankaa loogu guuleysto, himilooyinka qaran ee fog fogna loo sugo. Haddii kale oo ciddii xilka loo egmaday, taa dhayalsato oo hareer ka dhaafto, waxa hubaal ah in ummaddaasi ku dambeynayso HOOG iyo BALANBAL isdaba joog ah. Waxa run ah oo aan la diidi karin, in marba heerka AQOONEED/ WAXBARASHO ee bulshada reer Somaliland leedahay, in mustaqbalka iyo horumarka reer Somaliland ku xidhan yahay. Tani waxa ay waajib inagaga dhigaysaa in aynu ahmiyad weyn saaro WAXBARASHADA dadka Somaliland si aynu u gaadhno himilooyinka aynu leenahay.

WAXBARASHADA IYO SAAMEYNTA AY KU YEELATO DADKA IYO DALKA.

Waxbarashadu waa hab barbaarineed oo u habaysan si ay u hagto bulshada. Waxa ay jihaysaa aayaha waddan iyo dadka ku nool. Waa wax la yaqaan, in aanay jiri karin nadaam Demoqraaddi oo shaqaynayaa, haddii aan aqoonteeda lagu maamulayn, ama aqoontu maqan tahay. Ma jiro Dhaqaale kobcayaa oo hore u marayaa haddii, aan aqoon lagu qorshayn oo lagu maamulayn. Ma jirto bulsho isbeddel iyo horumar gaadhaa, haddii aqooni maqantahay. Ma jirto bulsho hab nololeedkeeda sare u qaadi kartaa, haddii aanay aqoonta dadkeeda adeegsan. Noociyadda waxbarashada ee ummadi u qorshayso dadkeeda, waa in ay noqotaa mid laga rabo in ay ka jawaabto marba baahida iyo mushkiladaha / dhibaatooyinka waddanku leeyahay. Waa in waxbarashadu ahaataa mid lagu sar gooyey dhaqanka iyo diinta aasaaska u ah bulshada, hab nololeedka, habka wax soo saarkeeda iyo bii’adda dalka Somaliland. Waxbarashada ummadi dadkeeda iyo dalkeeda u qorshaysaa, waa in aanay noqon mid ummad kale u qorshaystay dadkeeda iyo baahida iyo dhibaatada u gaarka ah. Waa in waxbarashada heer kastaba, lagu sar gooyaa baahida iyo dhibaatooyinka dalka iyo dadka Somaliland u gaarka ah.

SIYAASADDA WAXBARASHADA (Education Policy)

Siyaasadda waxbarashada aynu doonayno inaynu reer Somaliland aqoon darrada kaga xorayno waa in aasaas looga dhigaa sifooyinkan oo laga duulaa marka siyaasadda waxbarashada la dejinayo:-

* Waa in loo sinnaadaa fursadaha wax barasho oo heer kasta leh, iyada oo aan loo eegayn, wiil, gabadh, da’da, gobol, miyi, magaalo, sabool, taajir, laxaad la’aan (sida: dhego la’aan, indho la’aan, curyaan, sacsac).

* Meelaha laga la maarmi waayo waa in laga hir geliyaa, dugsiyo loo hoydo (Boarding Schools).

* Barnaamajyada waxbarasho ee u qorsheysan cidhib tirka wax akhris la’aanta dadka waa weyn iyo dallinyaradaba (rag iyo dumar), waa in laga fuliyaa reer miyiga, beeraleyda, tuulooyinka iyo magaalooyinka.

* Daryeelidda iyo dhisidda garoommo, goobo isboorti oo laga helo dugsiyada dhammaantood iyo magaalooyinka. Si dhallinyarada iyo ciddii kastaa loogu dhiirriyo ka qayb qaadashada ciyaaraha isboortiga. Isboortiga oo waxtar weyn u leh dhisidda jidhka iyo korinta maskaxda qofka koraya.

* Ilaha waxbarashada ee madax bannaanna (Privately Run Learning Institutions), heer kasta oo ay yihiin, waa in lagu dhaqaa siyaasadda guud ee qaranku ka leeyahay Waxbarashada, sida manaahijta waxbarashada iyo himilooyinka aasaasiga ah ee Qaranka.

* Dareenka dabeecadda bii’adda dalkeena (environment) iyo sida ay saameyn ugu yeelato nolosha dadka, nafleyda kale iyo horumarka dalka. Sida nabaad guurka iyo isticmaal xumida khayraadka dabiiciga ah (Natural Resources).

* Dhiirrinta cilmi baadhista aasaasiga ah (Basic Scientific research) ee saameyn ku leh bii’adda iyo hirgelinta natiijooyinka wax tarka yeesha.

* Barnaamijyada horumarinta awoodaha xoolodhaqatada, kaluumaysatada iyo beeralayda. Waa in loo adeegsadaa:- Dugsiyo wareega (Mobile Schools), radiyow, filimmo, riwaayado, doodo aqoon isweyraadsi ah. Ujeeddadu ka dambaysaa waa baahinta aqoonta wax tarka u leh wax soo saarkooda, badbaadinta dabeecadaha dulka, nadaafadda iyo aasaasiyaadka caafimaadka qofka.

* Jiritaan qayb (Department) manaahiijta ah oo hoos timaaddaa Wasaaradda Waxbarashada. Waxa mas’uuliyadi ka saarantay diyaarinta Manaahijta waxbarashada heer kasta iyo maadad kasta. Kuwaa oo ay ku salayso siyaasadda waxbarashada qaranka. Diyaarinta iyo soo xulidda agabka kala duwan ee waxbarashada lagu fuliyo.

* Miisaaniyad sannadeedka Qaranka, waa in ay ka muuqataa ahmiyadda la siinayo Waxbarashada iyo sida xooggan ee loogu baahan yahay aqoon horumar iyo isbeddel deg deg ah ummaddu ka kasbado.

MANAAHIIJTA IYO AGABKA WAXBARASHADA.

Marka Qaybta Manaahijtu diyaarinayso manaahijta kala duwan ee waxbarashada ama ay xulayso agabka kale ee loo adeegsado waxbarashada, iyaga oo ka duulaya Siyaasadda Guud ee Waxbarashada, waa in ay qodobadan soo socda ku tashataa oo tiirar uga dhigtaa kuna sababeysaa go’aamada ay Manaahijta ku diyaarinayso iyo kuwa ay agabka waxbarashada ku xulayso.

1. Waa maxay AQOONTA (Knowledge) qofku ka kasbanayaa deriskan (Subject) qaybtan/ agabkan waxbarasho?
2. Waa maxay DHAQAMADA/ CADOOYINKA (Habits) qofku ka baranayaa?
3. Waa maxay DABEECADAHA/ ARAGTIDA (Attitudes) qofku ka dheefayaa?
4. Waa maxay XIRFADAHA (Skills) qofku ka baranayaa?
5. Waa maxay DANAHA/ XIISAHA (Interest) iyo BOGNIINSHO (Appreciation) uu barbaarinayaa oo uu u dhisayaa qofka?
6. Waa maxay MILGOOYINKA/ ANSHAX (Ideals) qofku ka baranayaa?

QOFKA IYO WAXBARASHADA

Siyaasadda waxbarashada iyo manhajka Qaranku ugu talo galay dadkiisa waa in u noqdaa mid qofka ku kobcinaya oo ku barbaarinaysa sifooyinka hoos ku qeexan :-

  • Waa in ay noqotaa mid dhisaysa/ korinaysa QOFKA shakhsiyaddiisa u garka ah, awooddiisa maskaxeed iyo jidheed ee ku duugan, ilaa halka ay gaadhi karto.
  • Waa in ay noqotaa mid qofka u dhisaysa ixtiraamka WADDANINIMO oo u hoggaansan sharciyada Somaliland dhigatay. Qof bulshada wax soo saar u leh. Qof ixtiraam u leh xuquuqda aadamiga iyo xorriyadda qofka ee aasaasiga ah.
  • Waa in ay noqotaa mid ku barbaarisa oo ku abuurta QOFKA ixtiraamka iyo u hilowga dhaqankiisa, afkiisa, Somaliland iyo dadkeeda.
  • Waa in ay ahaataa mid abuurta qof mas’uul ah oo bulsho ku dhex noolaan kara, qof bulshada fahamikara, nabadda u adeega, dulqaad leh, jecel wada noolaashaha iyo midnimada dadyowga reer Somaliland.
  • Waa in ay ahaataa mid abuurta dareen badbaadinaya bii’adda dhulka iyo wixii ku nool sida:- dhirta/ baadka iyo noolaha kale ee ku dhaqan bii’adaha kala duwan ee dalka.
  • Waa in ay ahaataa mid Qofka si ballaadhan ugu dhista awood farsamo iyo hab shaqo oo u suuragelisa ku fillaanta waajibaadka noloshiisa iyo ta reerkiisa iyo ciddi kale ee uu mas’uul ka yahay.
  • Waa in ay ahaataa mid qofka hore u marisa dabeecadaha iyo aadaabta suubban ee qofka si uu dad la dhaqan u lahaado.
  • Waa in ay ahaataa mid qofka u dhista fikir xor ah (Rational Thinking).
  • Waa in ahaataa mid qofka ku beerta dhaqan wax akhris, waxbarasho iyo cilmi baadhis socota.
  • Waa in ay ahaataa mid ku barbaarisa garashada waajibaadka ka saaran bulshada iyo waddanka Somaliland, iyo waxa qofku xaq ugu leeyahay bulshada iyo waddanka Somaliland. (Responsibilities and entittelments).
  • Waa in ay ahaataa mid qofka ku barbaarisa:- Maxaa xaq ah maxaa se xaq darro ah, maxaa sharci ah maxaa se sharci darro ah.
  • Waa in ay ahaataa mid qofka ku abuurta kalsooni uu cid kale ugu gudbin karo fikir kiisa iyo waxa uu yaqaan.

Sifooyinkani waa kuwa la rabo in qofku ka hantiyo habka waxbarashada ee ummadi u qorshaysay dadkeeda. Manhaj iyo agab waxbarasho oo ah kii habboonaa, qayb weyn ayay ka qaataan barbaarinta qofka. Waxa kale oo la ogyahay, in ay jiraan waxyaalo kale oo iyana saameyn muhim ku leh waxbarashada qofku helayo. Waxa ka mid:-

  • Bulshada qofku ku dhex nool yahay.
  • Xirfadda iyo heerka waxbarasho ee waalidka.
  • Jiilka uu la korayo.
  • Meesha iyo bii’adda uu wax ku baranayo.
  • Laybareriga ka jira dugsiga ama magaalada.
  • Muusimyada dhaqanka iyo taariikhda.
  • Dugsiga iyo macallimiinta wax u dhigta.

KAALINTA IYO SIFOOYINKA MACALLINKA

Kaalinta macallinku waa ta ugu mudan, saameynta ugu weyna kule waxbarashada qofka. Wax kasta oo qofka la barayo waxa badhtanka ugu jira macallin. Waxa markaa waajib ah in fiiro gaar ah ummaddu, khaasatan ciddii mas’uul ahi u yeelato macallinka. Waa in sare loo qaadaa awooddiisa macallinnimo, iyadoo waxbarashadiisa had iyo jeer kor loo qaadayo. Waa in uu jiraa hab lagu abaal mariyo macallinka shaqo wanaag iyo qaab macallinnimo ku mutaysta.

Macallinka wacani waa in uu sifooyin badan leeyahay.

  • Awood uu halkaa hore uga mari karo.
  • Aqoon ballaadhan u leh wax dhigista.
  • Maadadiisa khabiir ku ah.
  • Khabiir ku ah mabaadii’da waxbarashada.
  • Fahamsan hab nololeedka bulshada.
  • Shakhsiyad isu dhan oo lagaga dayan karo.
  • Anshax iyo milgo fiican oo lagu raaci karo.
  • U boga ficilka iyo aarraada wax tarka bulshada u leh.

Qoruhu waxa uu aad u aaminsan yahay oo u ku qanacsan yahay, arrimaha qoraalkani sida kooban u taataabtain ay aasaas u noqdaan waxbarashada qofka kasta oo dhigta alnour school . Horumarka iyo isbeddelka ummadeed, waxa had iyo goor hoggaan u ah qofka iyo habkiisii waxbarasho.

 

waa maxay jacayl yaase dhadhamiyay?


 
Markii lasii lafa gurey ama lasii gunbaarey oo hadana
si gaar ah loo sii raad raacey ayaa waxaa baryahan
dambe aad u batay in kooxa badan oo lamaanayaal
caashaq wadaaga wada socodkoodu ama wada jirkoodu
yahay mid aanan dhaafsiisneyn mid ku kooban iska
helid, ama marxalad dareen doobeed, ama mid kaloo ku
salaysan dan-isku-gudbida guud ahaaneed.

Iyadoo hadafku ahaa mid looga danleeyahay maalmo ayaa
waxaa marmarka qaarkood laysla gaaraa heer ilaa iyo
guur!

Hadaba iyadoo ay jiraan dad badan oo is qaba ama wada
socda, oo ay wada socodkoodu u muuqato mid ku dhisan
ama ka buuxa farxad, raynrayn, riyaaq iyo raaxo. Ayaa
hadana marwalbo niyadoodu deganayn, oo is weydiiya
"tallow hebel/heblaayo ilaa iyo heerkee ku
jeceshahay/kujecelyahay" iyo su aalo noocaas ah oo
tuhin iyo shaki wiswaas ah niyada kaga jira.

Inta aanan ka hadlin halkudhiga maqaalka, "sidee lagu
ogaan karaa jaceylka dhabta ah".
Waxaa xusid mudan inaan isweydiino "waamaxay jaceyl".
Run ahaantii su'aashan waa su'aal dood badan dhalin
karta. Ileen nin waliba si gaar ah iyo waxyaalo gaar
ah ayuu kala kulmay jaceylku, ama qibrad iyo qiso
isaga u gooni ah.

Markii aan baaritaan xoogleh kusuubiyey ayaan waxaan
ka jibagaarey in jaceylku yahay dareemo yaableh uu
ilaah mar uun kugu dhaliya.

Dareemahaas oo aan kutilmaami karo dacar kor ka qaraar
dhexdana kamacaan. Ruuxaan qaraarkiisa marka hore soo
marin, ama soo dhex mushaaxin, macaakiisa uma badno
inuu muudsado.

Hadaba aqristow inta aadan isku dayin inaad ogaato,
heerka uu lamaanahaagu ku jecelyahay/jeceshahay.
Waxaad imtixaan ka qaadaa naftaada adigoo cabiraaya
heerka uu jaceylkaagu gaarsiisanyahay.

Ka gun gaar su'aalahan

1) Kalsooni buuxdo maku qabtaa lamaanahaaga? Ileen
kalsooni daradu waxay mar marka qaarkood keentaa inaad
u nuglootid ruuxkale, adigoo kacabsi qaba in
lamaanahaagu is badeli karo markasta.

2) Naftaadu makugu guubaabisaa inaad ku macaamilooto
marxalad kastoo kugu soo wajahdo. Samaan iyo xumaan,
dhib iyo raaxo, aaran iyo abaar.IWM

3) Si fudud malugu carqaladeenkaraa jaceyka aad u
qabtid lamaanahaaga?

4) Maku hamiyootaa ama maku riyootaa had iyo jeer
lamaanahaaga adigoo jooga meel iyo jawi kale?

Taasi waxaa noo ahaa sidaad ku ogaato in jaceyka aad u
qabto lamaanahaaga heerkii ugu dambeeyey
gaarsiisanyahay.

Inkastoo soomaalidu tiraahdo waxaad ruuxa sifiican u
baran kartaa "safar ama sariir" Safarka loola jeedo
safarkii hore oo dhibka badnaa oo aadka u dheeraa,
halkaasoo dadku aad isku baran jireen dabeecadahooda.
Sariirtuna waa "guur". Marka aad ruuxa guri wada
degtaan oo aad isguursataan ayaa waxaa soo baxa
dabeecadiisii qalifsanaa oo si gooni ah ugu qarsanaa.
Si kastaba ha ahaatee ruuxa dhabta kuu jecel, waa
ruuxa kuga jecel waxaad ahayd, waxaad tahay maanta,
iyo waxkastoo yimaada oo kugu dhaco bari.

kalmaan jacayl kk

maxto elmi webbrowser

Xidhiidh Maalmo jirayoo

Inantii marfuuc iyo

Ka dhex dhacay Marooraa

Taariikhda Muujoo

Mar ay Labada Maadood

Kulan meel ku yeesheen

Hees laga mabsuudaa

Midba dhinac u jeedshoo .

Waxay tidhi Marooroow

Maqaskii aduunkoow

Rah muraayad xidhanoow

Kildhi laga mabsuudoow

Dhankastiba  Marooroow

Toban macawisaaloow

Ila muuji caashaqa .

Wuxu yidhi Marfuucooy

Mucjisada Aduunkaay

Maraq iyo canbuulooy

Miciyaha dugaagaay

Lax maqaaxi shidataay

Adna hees imaqashii.

Waxay Marooroow

Mooyaha xawaashkoow

Madfac laga wareeroow

Meeraha Bulluutoow

Awr moos cunayoow

Moran iyo dagaaloow

Mijihii digaagoow

Ila muuji caashaqa .

Wuxu yidhi Marfuucooy

Mididii xawaashkaay

Maangaabadiiyeey

Moofada kidaarkaay

Mahadhada aduunkaay

Lix masaasadoodeey

Kabo meelxunyaalaay

Ri malkhabad jadiidiyo

Diric lagu mariimoo

Madbakhayga joogtaay

Adna Hees imaqashii .

Waxay tidhi marooroow

Maareeye  jaanoow

Dibi soo mirqaamoow

Saxni meesha yaaloow

Katabaan mashquuloow

Haashtari mug waynoow

Miiskii aduunkaw

Ila muuji caashaqa .

Wuxu yidhi marfuucooy

Kursi iyo mafiiqeey

Oh mulqaacadaydaay

Dhanka bidix masaxaneey

Midan kala qaloocdaay

Midabkii yaxaaskiyo

Maariin huruudaay

Sibid meel ku yaalaay

Ila muuji caashaqa.

Waxay tidhi marooroow

Maska  aabihiiyoow

Oh madeebadkaygoow

Diqsi maamul jeceloow

Marna oday fulfuuloow

Shigni Maalmo yaaloow

Mugdi lagu kufaayoow

Gabi wada malaasoow

Adna hees imaqashii .

 

icaaaaaaaaaaawi wakaaaaaaaaa

Cli

Title:
telefankaga:
Email:
noca windowska:
Processor:
RAM:
Harddisk:
faalo:
magacaga:

Recent Videos

362 views - 0 comments
87 views - 2 comments
79 views - 0 comments
103 views - 0 comments